Murugada qoys carruur iyo xooloba ku beelay daadad kusoo rogmaday deegaankooda:

 

Murugada qoys carruur iyo xooloba ku beelay daadad kusoo rogmaday deegaankooda:




Waxaa xalay saqdii dhexe miyiga Xiddidaalay ee deegaanka Laasciidle oo ka tirsan Saaxi, Somaliland ka dhacay dhacdo argagax leh ka dib markii qoys reer miyi ah uu ku soo rogmaday daad xoog leh kaas oo dhimasho, dhaawac iyo xooolo beelba gaarsiiyey.

Saddex ka mida qoyska Axmed Xaamud ayuu daadku qaaday iyadoo intii kale ay ka badbaadisay gabadhii ugu weynayd qoyska oo la yiraahdo Caasho Axmed Xaamud oo iyada qudheeda daadku qaaday iyadoo ku gada jirta badbaadinta carruurta kale.

Caasho Axmed Xaamud oo 21 sano jir ah, Amino oo 10 sano jir iyo Suhayb oo labo sano jir ah uguna yaraa qoyska aabbe Axmed Xaamud, ayaa saddexduba ku dhintay daadka qaaday.

Aabbaha iyo hooyaduba waa ka maqnaayeen qoyska marka masiibadan ku dhacday, balse wuxuu BBC-da u sheegay Axmed Xaamud Diiriye in isagu xilligaas ku sii socday reerka markii masiibadu dhacaysay.






“Waxaan casarkii shalay aaday deegaanka igu dhawaa, anigoo doonayey inaan kharash u raadiyo hooyada qoyska oo xanuunsanaysay, waxaanse laabtay habeen hore oo xalay ahayd, roob ayaa jidka igu helay, waxaanse tagay gurigii oo masiibo ku dhacday,” ayuu codkiisa oo hoose ku yiri Axmed.

Wuxuu sheegay in wixii ugu horreeyey ee uu arkay kowdii iyo barkii saqdhaxe ay ahayd wiil uu dhalay oo ku waaban geed “geedka ayaan ka rogay, wuu biyo cabay, waana la tacaalay,” ayuu intaa raaciyey.


Axmed Xaamud, wuxuu sheegay in uu ogaaday in caruurta oo toddobo ahayd mid uu markaa helay maahee saddex uu daadku la tagay saddex kalana gabadha wayni ay bilowgii u saartay meel taaga si ay u badbaadaan.

“Markii daadku soo rogmaday ayey ku dadaashay inay badbaadiso carruurta laakiin markii ay saddex ka saartay ayey ku soo noqotay kuwii kale, nasiib darrase waxay qaadeen iyado iyo labo kale oo ku dhintay” ayuu yiri Axmed.

Axmed, wuxuu sheegay inuu bilaabay baadi goobka intii uu helay mooyee kuwii kale ee carruurta isagoo u qaylo dhaansi tagay dadkii ka ag dhawaa deegaankiisa

“Waxaan aniga iyo dadkii ii yimi galnay inaan daadka ka baadi goobno carruurta intii aan waayey, wiilkii ugu horreeyey ayaan helnay maydkiisa habeennimadii, waabarigii ayaan sidoo kale helnay maydka labadii gabdhood oo kale oo daadku geeyey meel ka fog halkii an degganayn ee uu ka qaaday,” ayuu BBC-da u sheegay Axmed Xaamuud.

Labo ka mida maydka carruurtiisa ayuu sheegay inuu isagu ugu horreeyey wax arka waabarigii “gabadha waynayd ayaan arkay iyado mayd ah, aad ayaan u argagaxay laakiin Alle ayaan u noqday, waxaan ka furfuray dhirtii waxaana saaray maro.” Ayuu si dareen murugo leh u sheegay.













Post a Comment

Previous Post Next Post
7