Tani waa weerar toos ah oo aan horay loo arag oo Iran ay ku qaaday dhulka Israa’iil, oo ah xulafada muhiimka ah ee Maraykanka.

Sida Mareykanku uga jawaabo waxay ku xirnaan doontaa baaxadda weerarada Iran, noocyada hubka ee loo adeegsaday iyo inta uu la egyahay khasaaraha.

Madaxweyne Joe Biden iyo Raiisel wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu waxay u badan tahay inay ka wadahadleen jawaab celin suurtagal ah markii ay taleefan wada hadleen daqiiqado ka hor.

Maraykanku waxa uu doonayaa in uu xaaladdan u dejiyo intii suurtogal ah, waxaana laga yaabaa in lagu qasbo in uu xukumo Israa'iiliyiinta marka uu saxayo jawaabtooda.

Ameerika iyo Israa'iil waxaa lagu boorrin doonaa inay si taxaddar leh u socdaan oo ay ka dhigaan aargoosi kasta oo mid saami ah.

Maraykanka iyo xulufadiisa, waxaa loo filayaa inaysan ka dhigin xaaladda mid falcelin ku jawaabid ah taas oo sababi karta iskahorimaad dagaal balaaan oo gobolka oo dhan ah.\