Erdogan oo sheegay in guusha Falastiiniyiintu ku jirto midnimadooda ka dib kulan uu la qaatay hoggaamiyaha Xamaas:

 Erdogan oo sheegay in guusha Falastiiniyiintu ku jirto midnimadooda ka dib kulan uu la qaatay hoggaamiyaha Xamaas:


Booqashada hadda ee Turkiga uu ku gaaray madaxa siyaasadda ururka Xamas Ismaaciil Haniya ma ahayn bilow wada tashi ah oo u dhexeeya Turkiga iyo Xamaas, iyadoo ay wararku sheegayaan in kulamo hore oo Doxa ku dhex maray Haniyeh iyo ergada Erdogan.

Waa booqashadii ugu horeysay ee Haniyah uu ku tago dalka Turkiga tan iyo 7-dii October, waxaana ay ku soo beegantay xilli xasaasi ah, iyadoo doorka Turkiga uu yeelanayo muhiimad gaar a.h

Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Qadar Mohammed bin Abdul Rahman Al Thani, ayaa dhawaan ku dhawaaqay in Qadar dib u qiimayn ku samayn doonto doorkeeda dhexdhexaadinta wadahadalada xabad joojinta Qasa.

Qadar ayaa muddooyinkii u danbaysay isku dayeysay inay door k aciyaarto iyadoo garab ka helaysa Masar iyo Maraykabka in xabbad joojin laga dhex dhigo Israa’iil iyo Xamaas si loo sii daayo la haystayaasha Israa’iil, gargaarna loo gaarsiiyo dadka Qasa.

Isku daygii lagu doonayay in xabad joojinta lagu xaqiijiyo ayaa lagu guul dareystay, balse xiriirka Qatar kala dhexeeya dhammaan dhinacyada oo ay ku jiraan xiriirka dhow ee Xamaas ayaa muhiim u ah in la gaaro horumar kasta.









Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in dadaallada dalkiisa ay wiiqayaan siyaasiyiin doonaya inay helaan dhibco siyaasadeed, wuxuuna ku daray shir jaraa’id oo uu Arbacadii ku qabtay magaalada Dooxa: “Nasiib-darro, waxaan aragnay in dhexdhexaadintan lagu takri-falo iyadoo dano siyaasadeed laga leeyahay. ...Taasi waxay la macno tahay in Dawladda Qatar ay ku baaqday in la qiimeeyo."

Booqashada Haniyah ee Turkiya hadda ayaa la dul dhigayaa xilligan su’aal ah waxa ay tahay saamaynta ay xambaarsan tahay?

Mase jiri doontaa tallaabo lagu buuxiyo madowga diblomaasiyadeed ee ka dhalan doona in Qadar ka baxdo doorka dhexdhexaadinta.

Turkiguse miyuu helayaa kalsoonida dhinaca Israel dhexdhexaadiyaha si uu heshiis ula gaaro Xamaas?

Saraakiisha Israa’iil ayaa dhaleeceeyay waxa ay ku tilmaameen in Turkigu uu u huray danaha Israa’iil ee ku xidhan Xamaas, iyadoo Turkigu sidoo kale la og yahay in uu xidhiidh ganacsi kala dhexeeyo Israa’iil, inkasta oo Erdogan uu Haniyeh u sheegay in Turkigu uu Israa’iil ku soo rogay cunaqabatayn is daba joog ah oo ay ka mid tahay. xayiraadaha ganacsiga.

Falcelintii ugu horeysay ee Israa’iil ay ka bixisay kulanka, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Katz, wuxuu weeraray Madaxweynaha Turkiga, isagoo si adag u jeediyay khudbad kulanka kaga hadlay ayuu yiri “ Tani waa kugu ceeb”

Erdogan, wuxuu u sheegay Haniyah, inti kulanku socday in muhiimada ay u leedahay midnimad Falastiiniyiinta inta lagu guda jiro marxaladan, isagoo xusay in jawaabta ugu adag ee Israa’iil iyo guushu tahay midnimo

Wuxuu intaa ku daray Erdogan in dalkiisu uu kusoo rogay Israa’iil cunaqabatayn is daba joog ah oo ay ka mid tahay xayiraad dhanka ganacsiga ah.










Madaxweyne Erdogaan ayaa sheegay in Israa’iil ay lama huraan tahay in ay maalin uun bixiso “qiimaha xaqdarrada ay ku hayso falastiiniyiinta,” wuxuuna carrabka ku dhuftay in dalkiisu uu sii wadi doono in uu indhaha beesha caalamka ku soo jeediyo caddaalad darradaas.

Wargeyska Wall Street Journal ee ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa sheegay in Xamaas ay kala xaajoodeen ugu yaraan laba dal oo gobolka ku yaalla, sidii hogaamiyaashooda ugu wareeji lahaayeen

Arrintan ayaa wargaysku ku macneeyey isagoo xiganaya illo dublamaasiyadeed in tallaabada Xamaas ay ku timid ka dib markii dhexdhexaadiyeyaal ka socda Masar iyo Qatar

Post a Comment

Previous Post Next Post
7