Newcastle Oo Garaacday PSG, Man City Oo Jidka Guusha Kusoo Laabatay, Barcelona Oo Libin Heshay Iyo Wixii Ka Dhacay Champions League:

 Newcastle Oo Garaacday PSG, Man City Oo Jidka Guusha Kusoo Laabatay, Barcelona Oo Libin Heshay Iyo Wixii Ka Dhacay Champions League:




 





 


 


Kooxda kubadda cagta Newcastle United ayaa guul weyn ka gaadhay PSG oo ay ku garaacday Sqt James’ Park, waana libintii ugu horreysay ee muddo ka badan 20 sannadood ay Newcastle kasoo hoyso tartanka Champions League.




Waqti hore ayay Magpies xaqiijisatay guusheeda, iyadoo 4-1 ku bahdishay PSG oo xaaladdeeda ay xumanayso in ay ku jiraan group-ka dhimashada oo ay sugayso AC Milan.


Miguel Almiron ayaa noqday aftax wanaagsan oo hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Newcastle United oo kulankii ugu dambeeyey ee ay ku ciyaaraan St. James’ Park ay dhulka la dhacday Barcelona oo uu goolal u dhaliyey Patrcik Kluivert.


Goolka Miguel Almiron ayaa dhashay daqiiqaddii 17aad ee bilowga ciyaarta, ka hor intii aanu Dan Burn madax ku qabanin kubbad ay waqti dheer hubinaysay VAR oo uu goolhaye Gianluigi Donnarumma uu awoodi waayey inuu badbaadiyo.




 




 




 


 


Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay shan daqiiqadood oo kaliya socotay ayay Newcastle hoggaanka sii dheeraysatay, waxaana gool qurux badan u dhaliyey Sean Lonfstaff oo natiijada ka dhigay 3-0, taas oo uu goolhaye Donnarumma isku sii leexiyey isaga oo isku dayaya in uu badbaadiyo, waxyar ka hor intii aanu gool aan waxba tarin u keenay PSG difaaca reer France ee Lucas Hernandez.


Waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ayay PSG si rasmi ah usii dhimatay, waxaana kubbad uu Fabian Schar uu soo boobay uu u dhiibtay Jacob Murphy oo isaguna usii dhigay meel banaan, taas oo uu Schar darbad xooggan oo uu goolhaye Donnarumma badbaadin kari waayey ku hubsaday shabaqa.


Dhinaca kale, AC Milan iyo Borussia Dortmund ayaa isla kufay oo barbarro goolal la’aan ah ku kala baxay, waxaanay taasi caawisay Newcastle United oo hoggaanka u qabatay Group F oo ay ku hayso afar dhibcood, halka PSG ay saddex dhibcood leedahay, AC Milan laba dhibcood iyo Borussia Dortmund oo hal dhibic ka heshay labadii kulan ee ay dheeshay.


Geesta kale, Barcelona ayaa guul cidhiidhi ah oo 1-0 ah kasoo gaadhay naadiga reer Portugal ee FC Porto, waxaana goolkaas qaybta hore u dhaliyey Ferran Torres, halka Porto ay VAR ka diidday rikoodhe, sidoo kalena laga diiday gool ay dhaliyeen.




Waxa kale oo libin gaadhay Manchester City oo kusoo laabatay jidka guusha kaddib guuldarradii kasoo gaadhay horyaalka Premier League toddobaadkan, waxaanay cadhada kula dhacday RB Leipzig oo ay 3-1 kusoo karbaasheen.


Natiijooyinka kulamadii Champions League ee caawa oo dhamaystiran


Celtic 1-2 Lazio


Newcastle 4-1 PSG


RB Leipzig 1-3 Manchester City


FC Porto 0-1 Barcelona


Atletico Madrid 3-2 Feyenoord


Royal Antwerp 2-3 Shakhtar Donetsk


Borussia Dortmund 0-0 AC Milan


Red Star Belgrade 2-2 Young Boys



Post a Comment

Previous Post Next Post
7