Sucuudigu muxuu ka yiri dagaalka kasocda marinka qasa ee udhaxeya israail iyo falastiiniyinta:

 Sucuudigu muxuu ka yiri dagaalka kasocda marinka qasa ee udhaxeya israail iyo falastiiniyinta:


Boqortooyada Sucuudiga ayaa ku baaqday "in si degdeg ah loo joojiyo" xiisadda u dhexeysa Israa'iil iyo Falastiiniyiinta, lana tix geliyo "ilaalinta rayidka."

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sucuudiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, “Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxay si dhow ula socotaa xaaladda aan la fileyn ee u dhaxaysa tiro ka mid ah kooxaha falastiiniyiinta iyo ciidamada guumaysiga Israa’iil,” ee ay “ka dhasheen rabshadaha halkaas ka socda socda”.

Waxay ku baaqday "in si degdeg ah loo joojiyo colaadda u dhexeysa labada dhinac, la ilaaliyo rayidka la isna xakameeyo."

Boqortooyadu waxay dib u xustay "digniinteeda soo noqnoqota ee ku aaddan khatarta ka dhalan karta gumeysiga sii socda ee Israel, duudsiga dadka Falastiiniyiinta xuquuqdooda, iyo ku celcelinta daandaansiga joogtada ah ee ka dhanka ah xurmada."

Waxa uu beesha caalamka ugu baaqay "inay dhaqaajiyaan geeddi-socod nabadeed oo horseeda xal laba dawladood ah" oo nabadda gobolka laga hirgeliyo.



Post a Comment

Previous Post Next Post
7