Boqolaal qof oo ku dhintay dhul gariir ka dhacay wadanka Af-ganistan:

 Boqolaal qof oo kudhintay dhul-gariir ka dhacay wadanka Af-ganistaan:


Saraakiisha gudaha ee Dawladda Daalibaan ayaa u sheegay bogga BBC bashtu in boqollaal qof ay ku dhinteen, tiro kale oo aad u badanna ay ku dhaawacmeen dhulgariirka ka dhacay Gobolka Herat.

Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in ugu yaraan 320 qof ay naftooda ku waayeen dhulgariirkii Sabtidii dhacay. In Aayatullah Saabir, taliyaha Dawladda Daalibaan ee Herat, ayaa BBC u sheegay inuu qiyaasayo in 1,500 oo qof ay ku dhinteen illaa 15 tuulo.

Isagoo booqanayay goobbaha uu dhulgariirku ka dhacay, ayaa intaa ku daray “waxa jira in ka badan 1,500 oo dhimasho”. 15 tuulo waxa ku noolaa 1,700, qiyaastiisana waxa uu rumeysan yahay kaliya inay ka badbaadeen “200 ama 300”.

Saraakiisha Dawladda Daalibaan ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in waxyeellada dhulgariirku aad u sareyso



Post a Comment

Previous Post Next Post
7