Champions :Liverpool oo garaacday man city kuna guulaysatay cupka FA cummunity sheild:


 Kooxda kubada cagta liverpool ayaa kuguulaysatay cupka FA community sheild kadib markii ay garaacday naadiga ay xifaaltamaan ee man  city.








Labada kooxood ayaa ciyaarta ku soo galay si xawli ah ayagoo labada dhinac ba ay soo bandhigeen ciyaar wanaagsan,

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa lagu nastay 1-0 iyadoo ay liverpool hogaaminaysay.

Daqiiqadii 21-aad liverpool ayaa heshay goalka koowaad iyadoo uu usaxiixay ciyaaryahanka Alexander arnold.

Qaybtii dambe markii lasoo laabtay ayay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar fiican.

Daqiiqadii 70-aad kooxda man city ayaa heshay goalka barbaraha kadib markii uu 1-1 ka dhigay jullan Alvares.

Daqiiqadii 84-aad liverpool ayaa heshay goal kulaad taasoo uu dhaliyay mohamed salah isagoo ciyaarta ka dhigay 1-2.

90+4 markay ciyaartu maraysay waxaa markale goal kaga naxsaday kooxda man city weeraryahanka liverpool derwin nunes isagoo ciyaarta ka dhigay 3-1.

Ugu dambayntii ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-1 oo ay kuhogaaminayso kooxda liverpool iaygoona loo caleema saaray cupka FA community sheild.

Post a Comment

Previous Post Next Post
7