Shaqadii been abuurka ahayd ee dabinka loogu dhigay basaaskii ugu halista badnaa FBI-da ee Ruushka u basaasayay:

Shaqadii been abuurka ahayd ee dabinka loogu dhigay basaaskii ugu halista badnaa FBI-da ee Ruushka u basaasayay

Robert Hanssen

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Robert Hanssen wuxuu ahaa mid ka mid ah basaasiintii ugu waxyeellada badanaa taariikhda FBI-da. basaaskii hore ee Maraykanka, oo ku dhintay xabsiga, ayaa sirta ugu sarreeya ugu gudbinayay Moscow ku dhawaad 20 sano - Khiyaano ay hay’addu sheegtay in ay galaaftay nolosha dad badan.

Ugu dambeyntii 300 oo basaasiin ah ayaa loo adeegsaday si ay gacanta ugu soo dhigaan. Laba ka mid ah oo qayb qeyb ka ahaa ayaa noo sheegay sida ay shabaqa dabinka ah ugu dhigeen.

Bishii Disembar 2000, wakiilka FBI-da ee Richard Garcia ayaa casumaad xiiso leh ka helay saaxiibkii kormeerayay xafiiska Ruushka.

"Wuxuu weydiiyey, 'Ma garanaysaa nin lagu magacaabo Robert Hanssen?'" Mr Garcia ayaa ugu jawaabay “maya'."

Sarkaalkii ayaa ku jawaabay: "Hagaag, waad baran doontaa mardhow."

Dhowr bilood ka dib, waxaa la mahadiyay shaqadii qarsooneed ee Mr Garcia. Xarigga Hanssen ee bishii Feebaraayo ee 2001 ayaa argagax ku riday FBI iyo dhammaan laamaha kale ee sirdoonka.

In ka badan labaatan sano ka dib, Isniintii la soo dhaafay, mas'uuliyiintu waxay ku dhawaaqeen in meydiikiisa laga helay qolka uuu ku jiray ee xabsiga ugu ammaanka badan ee Colorado halkaas oo uu ku qaadanayay xabsi daa'in. Wuxuu ahaa 79 jir waxaana loo maleynayaa inuu u dhintay sababo dabiici ah.

Mr Garcia, oo hadda 70 jir ah, kana fariistay FBI-da, ayaa si adag uga fal celiyay warkaas.

Hanssen waxa uu sannadkii 1976-kii luuqadda Ruushka ku bartay machad isagoona u shaqaynaya FBI-da. Laga bilaabo 1985-kii, Hanssen waxa uu bilaabay inuu siraha dawladda Maraykanka u gudbiyo Ruushka, isaga oo ka iibsanaya dukumentiyada sirta ah ee ugu sarreeya kuwaas oo wax u dhimaya aqoonsiga basaasiinta qarsoon.

Qaar ka mid ah dukumeentiyada sirta ah ee uu Hanssen gudbiyay waxaa ka mid ahaa qiimayn ay sirdoonka Maraykanku ku sameeyeen isku daygii Midowga Soofiyeeti ee ahaa in la ururiyo sirta barnaamijyada Nukliyeerka ee Maraykanka. Hanssen waxa uu xogta siiyey ciidankii KGB, ka dibna Soviet-ka iyo SVR.

Khiyaanada uu sameeyay darteed Ruushku waxay siiyeen Hanssen $ 1.4m - $ 600,000 oo caddaan ah iyo dheeman, iyo $ 800,000 oo kale oo la geliyay akoon bangi.

XIGASHADA SAWIRKA,FB1

Sidee ayay FBI-da u xaqiijiyeen inuu Ruushka u shaqeeyo?

FBI-du waxay dejisay qorshe lagu soconayo Hanssen iyada oo ka soo wareejisay Waaxda Arrimaha Dibedda halkaas oo uu ka shaqaynayey. Waxaa shaqo been abuur ah looga sameeya Xafiiska oo ay hawl-wadeennadu kula socon karaan.

"Waxa aan rabnay inaan sameyno waxay ahayd inaan helno caddayn ku filan oo lagu xukumo, ujeeddada ugu weynna waxay ahayd inaan ku soo qabanno falka kula jira," Debra Evans Smith, oo ah agaasime ku xigeenkii hore ee waaxda sirdoonka, ayaa sidaas sheegtay.

Halkaas ayuu ka soo galay Mr Garcia.

Mr Garcia, oo ah sirdoon ah khibrad leh, ayaa noqday masuulka beenta ah ee Hanssen, oo u jilay maamule aad u sareeya.

Shaqaale da’ yar oo ka tirsan FBI-da ayaa ahaa basaaska keliya ee la socda dabinka.

Mr Garcia waxa uu shaqaaleysiiyay Eric O'Neill, oo 26 jir ah oo si qarsoodi ah u shaqaynayay, aqoonna u leh jabsashada internet-ka, si uu iskaga dhigo kaaliye dhinaca maamulka ah ee Hanssen.

"Tani waxay ahayd mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee noloshayda soo mara, anigoo sirdoon ku noqday da’ yar kana qeyb qaatay soo qabashada basaaskii ugu waxyeellada badnaa taariikhda Maraykanka," ayuu Mr O'Neill u sheegay BBC.

Dhawrkii toddobaad ee xigay, labadoodu si fiican ayay isu barteen - in kasta oo midba kan kale si qarsoodi ah u baarayay. Xitaa waxaa jirtya mar, Mr O'Neill uu qoyska Hanssen u raacay kaniisadda.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Mr O'Neill wuxuu ku tilmaamay bartilmaameedkiisa inuu yahay dabeecad adag. "Wuxuu rabay inuu noqdo lataliye, wuxuu rabay inuu aqoontiisa oo dhan qof u gudbiyo."

Inta uu socdo baaritaanka, Mr Garcia waxa uu Mr Hanssen u kaxeyn doona meel toogashada lagu barto iyadoo wakiiladu ay baarayaan. Waxaa baaritaan ay ku sameeyeen mid ka mid ah baabuurtiisa halkaas oo wakiiladu ay ka heleen dukumentiyada sirta ah.

Maalin maalmaha ka mid ah isagoo joogo qeybta toogashada lagu barto oo mashquulsan ayuu Mr O'Neill koobiyeeyay macluumaad ugu jiray aaladda Palm Pilot oo la isticmaali jiray ka hor BlackBerrys iyo telefoonnada casriga ah.

O'Neill, ayaa waxaa u suurogashay inuu bedelo aaladda wax yar ka hor inta uusan Hanssen soo laaban.

Waxaa sheekada Mr O'Neill ee basaasnimada laga jilay filim la yiraahdo Breach oo ka mid ah aflaanta Hollywood-ka kaas oo ay jilayaan Ryan Phillippe, Chris Cooper iyo Laura Linney.

Ilaa Febraayo 2001, 300 oo wakiil ayaa ka shaqaynayay kiiska, sida ay sheegtay FBI-da.

Waxay gaadayeen Hanssen si uu isugu dayo tallaabo kale oo uu ugu basaaso Ruushka aakhirkiina wuu sameeyay.

Hanssen waxaa la xiray Febraayo 2001 isaga oo ku sugan Foxstone Park ee Virginia waxaana lagu eedeeyay basaasnimo. Waxa uu qirtay 15 dacwadood oo lagu soo oogay, waxaana lagu xukumay xabsi daa’in oo aan cafis lahayn.

Hanssen ayaa lagu xiray xabsiga Florence, Colorado, halkaas oo uu ku jiray in ka badan labaatan sano ilaa uu geeriyooday toddobaadkan. 

Post a Comment

Previous Post Next Post
7