Mansabka ay baraha bulshada Somalidu ku kala jogaan:

 Mansabka ay baraha bulshada Somalidu ku kala jogaan:









Facebook:
Waxaa ugu badan caamo mii iyo magaalo joog ah. Waxeyna wax ka maqlaan hal dhag, waxeyna wax ku arkaan hal il.
Youtube:
Waxaa jooga dadka ugu lacagta iyo shaqada jecel. Waxeyna sameyaan waxwalba oo ay views ku helli karaan. Sidaas daradeed kooxo kala duwan ayay isugu jiraan, lkn waxey isakaga mid ka yihiin in hadafkooda yahay lacag sameyn. oo kaliya.



Instagram:
Waxaa jooga dad iska chill ah oo buuq badan jecleyn. Waxeyna badanaa iska soo bandhigaan, sawiro style ah, travel kooda iyo iwm..
Telegram : Waxaa Joogo Dad Jecel Aqoonta iyo Wax Aqriska sidoo Kalena waxay Soo Bandhigaan Qormooyin Iyo Hibooyin kale Oo ayaga u gaar ah si ay Dadka Uga faa'iideeyaan. Sidoo Kale waa Halka ay joogaan dadka ugu Fasahaadka Badan Gayiga somalida Saacadan aan qormada Qoraayo
Tiktok:
Waa isugu imadeen ciyaal xaafad oo dhan. Mid nuucwalba leh waad ku arkeysaa, sidoo Kale waxaa Si Qaas ah u Jooga Somali saddax nuuc ah:
1) Kuwo dhaqanka iyo diinta dagaal kula jiraan. Sidoo kalena rabaan iney dadka fidneeyaan
2) Kuwo kale oo fadhi ku dirirk iyo siyaasada iska jecel
3) Maamooyin dhibaato iyo buuq ku furan yahay oo rabaan iney isku nafisaan.
Twitter:
Waxaa iskugu imaada Somali inta ugu maanka furan, wax baratay, sidoo kalena isla dooda iyagoo kala fikir duwan.waa madal furan oo ay kudoodaan dadka badanaa wax falanqeeya ,waxaa badanaa isticmaala siyaasiinta ,aqoonyahanada,abwaanada iwm.
Marka waa muhiim qolo walba in aad kula hadasho luuqada iyo qaabka ay wax u fahmi karaan. Haddii kale waad isku wareereysaan .

Post a Comment

Previous Post Next Post
7