Maxaad kataqaanaa Beerta qofkii dhirteeda taabta ,uriya ama cuna uu dhimanayo:

 Beerta sunta waxay kutaalaa magaalada Alnwick ee dalka ingriska waxay hooy utahay oo kutalaalan in kabadan 100 geed oo sun ah ,kuwaasoo qaar lagu dawaqayo ama maanka doorinaya hadii lacuno,sidaas oo ay tahay waa beer ufuran oo ay booqan karaan dadwaynaha.

Calaamadda iridda madow ee birta ah waxay leedahay, "dhirtani wax bay dili kartaa", erayadaas oo dhinacyada uga xardhan sawir qolfoof (madax iyo lafo is-gudban) si halisteeda looga qiyaas-qaato. Digniintu ma ahan kaftan – albaabbadaasi ka sameysan biraha madow waxay xeyndaab u yihiin beerta dilaaga ah ee ugu halista badan adduunka.

Beerta Sunta waxaa la aasaasay 2005-tii. "Kahor inta aan booqdeyaasha loo oggolaan inay gudaha galaan, waa in la siiyo warbixin la xiriirta badqabkooda," ayuu yiri Dean Smith, hagaha Beerta Sunta. Booqdayaasha waxaa la faraa in aan loo oggolayn taabashada, dhadhaminta ama urinta dhirta - si kastaba ha ahaatee, sida uu qoray website-ka beerta, waxaa jira dad miyir-daboolmay iyagoo dhex socda beerta neefta sunta ah ee ay hawada ka qaateen darteed.

















Mid ka mid ah geedaha halista ah ee lagu beeray halkaas waa mid lagu magacaabo monkshood oo ay ku jirto sun neerfaha waxyeelleysa, habka shaqada wadanahana halis ku ah.

Balse kaas ma aha geedka ugu khatarta way nee halkaas ka baxa. “Waxay u badan tahay in dhirta ugu halista wayn ee halkan ku taalla ay tahay geedka sunta ah ee loo yaqaanno ricin, oo ah mid sida digirta u samaysan saliidna leh,” ayuu yiri Smith.

Buugga lagu diiwaangeliyo mucjisooyinka adduunka ayaa geedkan u aqoonsaday inuu yahay kan ugu sunta badan adduunka.

Waxaa la yaab leh, wax badan oo ka mid ah waxyaabaha ka baxa beerta waa wax caadi ah. "Qaar badan ayaa ka baxa duurka UK, badi dhirtuna aad bay u fududahay in la beero," ayuu yiri Smith. Caleemahaas dhirta qaar waxaa ku jira waxa loo yaqaan ‘grayanotoxin’ oo weerari karta hab-dhiska neerfaha qofka cuna. "Inkastoo aysan u badneyn inaad cunto caleemaha, sababtoo ah waxay u dhadhamiyaan qaab labbo-labbo ah," ayuu si kalsooni leh u yiri Smith.


Waxaa kaloo dhirtaas ku jira geedka laburnum, oo ah kan labaad ee ugu sunta badan UK (kaliya geedka yew ayaa ka khatar badan). Dad badan ayuu ugu yaallaa agagaarka guryahooda, ubaxyada uu dhalo ee jaallaha ah ee quruxda badan dartood, laakiin waxaa ku jira sun loo yaqaan 'cytisine'. "Geedku aad buu u sun badan yahay," ayuu yiri Smith, "haddii mid ka mid ah laamihiisu ay dhulka ku soo dhacaan, oo dhowr bil kaddibna uu qaado ey meesha soo maray, eygaas ma dhamayn doono socodkaas. Halisteedu waa heerkaas.

Dhirta sunteeda kuma sii deyso dadka iyo eyda, se waxay sumeyn kartaa ciidda - taas oo ka dhigaysa in waxa kaliya ee ka bixi kara ay noqdaan dhir kale oo sun ah.

Dhirta qaar ma aha in la cuno, la taabto, la ursado ama loo beddelo dawada dhimirka oo way ku dili kartaa. Waxaa jira hal geed oo beerta ku yaal oo ku dili kara xitaa haddii aad qeyb ka goyso.

Xididka dhirta qaar waxaa ku jirta sun awood u leh inay joojiso dhaqaaqa wadnahaaga, dheecaankuna wuxuu leeyahay cuncun maqaarka ah oo daran. Marka had iyo jeer waa inuu qofku xirto gacmo-gashi, Smithna wuxuu ka digay in aad goloofiska isaga siibto ilkaha.

Shaqaalaha beertu waxay qaadaan tallaabooyin badqab oo kala duwan sida uu sheegay Robert Ternent oo ah madaxa shaqaalaha beerta.

“Annaga ayay nagu xiran tahay inaan baranno isticmaalkooda, sababtoo ah wax badan oo dhirtan ah ayaa loo isticmaalaa si waxtar leh. Dhammaan ma wada xuma," ayay tiri Amy Thorp oo ka mid ah shaqaalaha beerta.

















Dhanka kale haddii aan ka eegno, qaar ka tirsan geedaha sunta ah ee beerta waxaa loo adeegsadaa dawo, sida ‘yew’ oo loo isticmaalo daaweynta kansarka naasaha. Sidoo kale ‘periwinkle’ haddii si sax ah loo farsameeyo, waxaa laga soo saaraa dawooyin faa'iido leh.

Beertu waxay qeyb ka tahay mashruuca waxbarashada dawooyinka ama maandooriyeyaasha sida ay sheegtay Claire Mitchell oo ah madaxa bulshada iyo waxbarashada.

Beerta waxaa ku yaalla saddex nooc oo geedo ah oo UK looga aqoonsan yahay inay yihiin daroogo. Nooca daroogada heerka koowaad waxaa loo yaqaannaa opium poppies, heerka labaad waa xashiis, kan saddexaadna waa qaadka.



Post a Comment

Previous Post Next Post
7