Halkee ayuu ku soo wajahanyahay gantaalka shiinaha ee dhulka ku soo socda?

 Burburka gantaalka shiinaha ayaa lafilayaa in maanta ama bari uu dhulka ku soo dhaco kadib markii saynisyahannada shiinaha ee hawada sare ay xarkaha ufureen gantaalka.

Waxaa la sheegaya in meel kasta oo adduunka ka tirsan uu ku soo dhici karo inkastoo suurtagalnimada ah inuu ku soo dhaco meel ay dad ku nool yihiin la sheegaya inay aad u yartahay.

Hase yeeshee su’aalo badan ayaa ka dhashay gantaalada hawada sare loo diro ee sida ku talagalka ah dhulka loogu so diri markuu howshiisa dhameysto iyadoo aan laga welwelin halka u ku dhacay iyo saameynta ka dhalan karta.
















Waxaa hore u jiray baaqyo ay hay'adda hawada sare ee Mareykanka ee NSA ugu dirtay wakaaladda hawada sare ee Shiinaha inay u naqshadayso gantaallada Shiinaha qaab ay ahwada dhulka ug soo noqon karaan iyadoo aan xkamaha loo jarin.

Gantaalladii u dambeeyay ee xarunta hawada sare ee Shiinaha ay hawada u dirtay loona yaqaan Tiangong waxaa dhammaantood ka maqanaa xakamaha awoodda dib-u-soo-celinta.

Kii ugu dambeeyay wuxuu ahaa Axadii, markas oo gantaal noocisu yahay Long March 5 uu qalab shaybaar u qaaday saldhigga Tiangong.

Dowladda Shiinaha ayaa Arbacadii sheegtay in dib u soo celinta gantaalka ay halis yar u keeni karto qof kasta oo dhulka jooga, inkastoo ay u badan tahay in uu ku dhici doono badda.

Si kastaba ha ahaatee, waxa jirta suurtogalnimada in qaybo ka mid ah gantaalku uu dulka ku dhaco welib meel ay dadku ku badan yihiin, sidii horeyba u dhacday bishii Maajo sannadkii 2020 markaas oo ay waxyeello soo gaartay dhismooyin ku yaallay Ivory Coast.

Gantaalka ayaa hadda ku wareegaya aagga la yirahdo elliptical ee dhulka ku wareegsan halkaas oo ay adagtahay in la xakameeyo.

Marka loo eego Shirkadda Aerospace Corporation, oo ah hay'ad aan faa'iido doon ahayn oo fadhigeedu yahay California, gantaalka wuxuu qiyaas ahaan dhulka ku soo dhici doonaa abaare 00:24 GMT maalinta Axaddaa ah.

Aad ayey goor hore tahay in si sax ah loo ogaado halka uu ku soo dhici doono haraaga gantaalka oo gaaraya 25-tan.

Meelaha suurtagalka ah ee burburka gantaalku ku dhici karo waxaa kamid ah Maraykanka,Africa asia iyo brazil sida ku cad saadaasha.

Shiinaha waxaa lagu eedaynayaa in ay taxadar la'aan wayn tahay in la ogalaado in gantaal wayn uu dhulka kusoo noqdo isagoo aan la xakamaynin.balse dawlada shiinaha waxay reer galbeedka ku eedaysay dacaayad iyo buunbuunin aan macno samaynayn.

Gantaalka Long March 5 ayaa labo jeer oo hore  la gamay, waxay kala ahaayeen bishii May sanadkii 2020-ka iyo bishii May 2021-ka.

Sanadkii hore Shiinaha ayaa sheegay in gantaalkii fakaday uu ku soo dhacay Badweynta Hindiya gaar ahaan mee u dhaw jasiiradda Maldives.

Warbaahinta afka dowladda Shiinaha ku hadasho waxay sheegtay gantaalkan dhulka ku soo wajahnaa uu burburkiisa ku soo dhacay Jihada Bari (72.47°) iyo Waqooyi (2.65°).

Xaruumaha Mareykanka iyo Yurub ee lagu raad raaco dayax-gacmeedka ayaa dabagal xooggan ku hayey gantaalka Shiinaha ee hawada sare ka soo socday ee dhulka ku wajahnaa ee lagu magacaabo Long March 5b.

 Dhammaan dhacdooyinka wax dhibaato ah kama dhalan balse waxaa si weyn u dhaleeceeyay hay’adaha qaabilsan hawada.

Talaadadii ,wakaalada wararka shiinaha ayaa ku eedaysay warbaahinta reer galbeedka oo uu hogaaminayo maraykanku inay faafinayaan dacaayado ka dhan ah gantaalka long march 5.

Dr Hugh Lewis, oo ku taqasusay haraaga gantaallada looga soo tagay hawada sare, wuxuu sheegay in 60-kii sano ee la soo dhaafay in hawada sare laga buuxiyay qashin iyo jajabka gantallo.

Masuuliyadda qashinkaas ayuu ku eedeeyay dhowr dal, waxaana ugu badan Ruushka iyo Mareykanka.

Xilliga casriga ah, waxaa lagu baaqayaa in gantaallada hawada sare loo diro, in lagu xakameeyo halkaas, laguna xiro qalab u hagi kara in ay ku degaan meelo badqab ah, sida badda.

Laanta Cirbixiyeennada Yurub waxay sheegtay in sannadkasta illaa 100 dayax-gacmeed iyo gantaallo ay ku soo noqdaan dhulka.

Post a Comment

Previous Post Next Post
7